September 02, 2004


Ujeeddo

Kusoo dhowow irridda Aragtida Adduunka!

Halkani waa irridda waxqabadka, wadatashiga iyo warbixinaha ku sabsan doorashada madaxweynennimada Maraykanka ee bisha Noofembar 2004. Qof kasta waa u bannaan tahay inuu ka qayb qaato – kuma koobna muwaadiniinta Maraykanka ee leh xuquuqda codaynta keliya. Adduunka oo dhan ayaa daawanaya natiijadaas, waxaana doonaynaa inaan kuu soo bandhigno mashaariicda isku keenaya fikarada dadka Maraykanka ah iyo dadka aan ahayn Maraykan.

Haddii aad codaynaysid ama aragti dhiibanaysid, ujeeddadayadu waa inaan kuu tilmaano halka aad ku jeedin kartid dooddaada, u sheegi kartid fikirkaaga, u samayn kartid cajalad arag ah oo xambaarsan farriintaada, ama ugu yaraan aad: u codaynaysid.

Aragtida Adduunka waa iskaashi dhexmaray ilaha warbaahin ee Talk to US, Voices '04, The World Votes, iyo mashruuca ay waddo openDemocracy.net ee la magic baxay My America: Letters to Americans.

Annagu dhinacna ma raacsanin. Balse waxaan wadaagnaa in:


  • Natiijada doorashada madaxweynennimada Maraykanka ay saamaynayso dhammaan muwaadiniinta caalamka
  • Aqoon is-weydaarsi furan oo aan xuduudo lahayn uu kordhinayo is-faham
  • Internetku ay casriyeynayso wada-hadalka dhexmaraya dadka codbixinaya ee Maraykanka ah iyo kuwa aan ahayn.

Waxaan rajaynaynaa inaad ka heli doontid fikrado iyo doodo kala duwan, dhadhan leh isla markaana ku yaab geliya! Waxa kale oo aan rajaynaynaa inaad adiguna ku biirin doontid fikraddaada.

Deg-deg usoo laabo.

Posted by Peter at September 2, 2004 06:09 PM | Email to a friend

-->

Email to a friend

Email this entry to:


Your email address:


Message (optional):






« Nuestra Misión | Home | Missão »





Talk to US The World Votes Voices '04 My America: Letters to Americans Earth to America